Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibada dib loo fasaxay.

Published: August 4, 2018

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Faderalka Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Daauud ayaa ciidanka nabad sugiddu xafiiska ugu keneen waran Maxkamadeed.

Warqadda waranka ayaa waxaa ay kazoo baxday xafiiska hanti-dhowrka Soomaaliya waxaana lagu sheegay in ay la xiriirto dhaqaale ay wasaaradu qaado oo aan kusoo xeroon khasnadda dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ciidanka u sheegay in uu xasaanad leeyahay oo aanay xabsiga u taxaabi Karin wallow uu soo kala dhexgalay Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen,Bashiir Cali Maxamed (Americo).

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo warfidiyeenka la hadlay isagoo kusugan Magaaladda Garoowe ayaa sheegay in arinta uu soo dhexgalay PM Xasan Cali kheyre oo uu amray in arintaa dib loo dhigo,wasiirkana loo fasaxo shaqadiisa wasaradda.

Horseed Media.net

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *