Wasiir maareeye oo qalabka looga hortago Coronavirus ku wareejiyay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Published: May 11, 2020

Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) Wasiirka Warfaafinta Sidoo kalena ah Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee Covid_19 ayaa qalabka looga hortago Coronavirus ku wareejiyay maamulka ciidanka booliska dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaliyeed  Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo gudoomay qalabkaan oo isku jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan looga gaashaamanayo Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisaka XFS ayaa sheegay qalabkaan in loogu  talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay nftooda iyo bulshadaba ugabadaadshaan cudurka dunidda kusii faafaya ee Covid-19.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *