Wasiirada Arrimaha Dibadda ee EU-da oo shir ka yeelanaya Ukraine iyo xaaladda saadka cunnada adduunka

Published: July 20, 2023

Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay ka doodaan soo jeedin uu khamiistii soo jeediyay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell si uu ugu kharash gareeyo ilaa €20 bilyan oo u dhiganta ($22.4 bilyan) oo lagu bixiyo hubka, rasaasta iyo gargaarka kale ee milatariga Ukraine muddo afar sano ah .

Sida laga soo xigtay saraakiisha Midowga Yurub iyo dublamaasiyiinta, Josep Borrell ayaa soo jeediyay in lagu daro tabarucaad sanadle ah oo gaaraya ilaa 5 bilyan oo Yuuro oo loogu talagalay Ukraine sanduuqa EU-du maamusho ee lagu magacaabo Xarunta Nabadda ee Yurub si ay u taageerto Ukraine si ay ula dagaallanto duulaanka Ruushka.

Sanduuqa ayaa horey u bixiyay in ka badan €5 bilyan oo taageero ah Ukraine tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii hore. Haddii la ansixiyo, maalgelinta dheeraadka ah waxay socon doontaa laga bilaabo 2024 ilaa 2027, iyada oo hubinaysa in si xasilloon oo joogto ah loo helo gargaarka milatari ee Ukraine.

Borrell waxa uu hore ugu baaqay hab cusub oo maalgelin ah oo loo yaqaan “Sanduuqa Difaaca Yukreeniyan”, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta ammaanka Ukraine inta lagu jiro colaadda iyo ka dib. Xarunta Nabadda waxay u celin doontaa wadamada Midowga Yurub qayb ka mid ah kharashaadkooda marka ay hub, saanad iyo gargaar milatari siiso dalalka ka baxsan Midowga Yurub.

Sida laga soo xigtay saraakiisha iyo diblomaasiyiinta, soo jeedinta ayaa kaliya laga doodi doonaa si kooban, waana in lagu go’aamiyaa kulan dambe oo dhacaya dhammaadka Agoosto ee dalka Spain. Dawladaha EU-da ayaa sidoo kale lagu wadaa inay tixgeliyaan soo jeedin gaar ah oo ka timid Komishanka Yurub, kaas oo doonaya in uu bixiyo € 50 bilyan oo kaalmo dhaqaale ah Ukraine isla muddadaas afarta sano ah.

Dhibaatooyinka saadka cuntada ee adduunka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo dhawaan dib loo doortay iyo isbadalka uu ku sameeyay xubinimada Iswidhan ee NATO ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay qeyb ka noqoto wada hadalada wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

Turkiga ayaa door dhexdhexaadin ah oo muhiim ah ku lahaa duulaanka Ruushka ee Ukraine, wuxuuna hadda ka shaqaynayaa sidii uu dib ugu soo noolayn lahaa heshiis hadhuudh ah oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay Borrell, Ruushku wuxuu mas’uul ka ahaa dhibaatada weyn ee sahayda cuntada ee caalamiga ah, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay maalmo ka dib markii Kremlin-ka uu ku dhawaaqay inuu joojinayo heshiiska dhoofinta badarka Ukraine ee loo dhoofiyo badda madow.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa ku dhawaaqday qorshayaal lagu kordhinayo dadaallada caalamiga ah ee looga gol leeyahay in laga soo daabulo hadhuudh laga keeno Ukraine ka dib markii Ruushku joojiyay heshiiskii dhoofinta.

Baerbock wuxuu ku tilmaamay ikhtiyaarka ah in hadhuudh dalka lagaga dhoofiyo tareen si cuntadu u gaarto dadka sida degdega ah ugu baahan halkii ay “ku xumaan lahay meelaha lagu kaydiyo toddobaadyada soo socda.”

Baerbock ayaa sheegay in hanjabaada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda madow ay tahay “weerar ka dhan ah nidaamka caalamiga ah.”

Horseed Media + Wakaaladaha wararka qaarkod