Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo China oo khadka talefoonka kuwada hadlay

Published: March 1, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *