Wasiiradda Beeraha Dowlad Goboleedyada iyo DFS oo ku kulmay magaalada Jowhar

Published: August 15, 2024

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa guddoomiyey shir magaalada Jowhar uga furmay wasiirada Beeraha dowlad gobaleedyada dalka, kaas oo qayb ka ah socdaalka xoojinta tacbashada Beeraha iyo la qabsiga isbedelka cimilada 2024.

Sidoo kale wasiir Maareeye iyo wasiirada kale ee dowlad goboleedyada ayaa la kulmay iskaashatoyinka Beeralayda, iyagoo la wadaagay Siyaasadda Qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, Siyaasadda qaran ee Fidinta Beeraha, Howlaha Hortabinta u leh dowladda ee dhanka Beeraha iyo sida ay wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaagga beeraleyda Soomaaliyeed.

Dhinaca masuuliyiintaan ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo muhiim u ah Wax-soo saarka dalka iyo Beero ku yaal banaanka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Horseed Media