Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Published: August 4, 2024

Kulan Amaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale .

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraad xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka ka soo qaybgashay.

Horseed Media