Wasiirka Amniga XFS oo Serbia tababar ugu soo xiray askar katirsan ilaalada Madaxtooyada

Published: April 14, 2023

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno,Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya. 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Horseed Media