Wasiirka Amniga XFS oo xil ka qaadis ku sameeyey Taliye Xijaar

Published: April 27, 2022

Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Wasiirka ayaa sheegay kadib markii uu si bareeer ah iskugu dayay inuu hor is-taago doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay taliya ciidamada inuu si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday Wasiirka.

Waxa uu sheegay inuu helay “xog muhiim ah in taliyuhu ku howlan yahay falal khatarku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin saresare oo xilal muhiim ah haya” sida wasiir uu ku sheegay bayaankiisa.

Wuxuu intaas ku daray in uu xilka si ku-meelgaar ah ugu magacaay Taliye ku xigeenka booliska,isaga sheegay inuu farayo saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsuggida inaysan ku milmin siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilaa hadda General Xijaar kama hadlin xilka qaadista lagu sameeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *