Wasiirka Amnigga Galmudug oo sheegay in uu ka badbaaday isku-day dil.

Published: June 7, 2020
Wasiir Fiqi

Axmed Cilmi Fiqi Wasiirka Wasaaradda Amnigga Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil kaas oo la qorshayanayay in gaarigiisa qarax loogu xiro, waxa uu sheegay in ay qabteen ninkii falkaan ka danbeeyay ka dibna ay waraysi la yeesheen ayna ka heleen xogo la xiriira dad ka shaqayee falalka amni xumadda ah ee gobolka mudug ka dhici jiray.

Wasiir Fiqi waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadu ay dileen madaxii amniyaadka ururka alshabaab ka dib markii isku-dayay in uu la dagaalamo ciidamada amniga Wasiirku waxa uu intaas ku daray in ay mudooyinkii danbe wadeen hawlgalo lagu xaqiijinayo Amnigga.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *