Wasiirka Cawad “Golaha amaanka.Waa in cunaqabateynta laga qaadaa Soomaaliya”

Published: September 30, 2018

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Cawad Ciise oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kahadlay arrimo dhor ah oo la xiriira dhinacyo ay kamid yihiin Siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa si gaar ah diiradda ugu saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda Federaalka ay ka guul keentay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in horumaro weyn laga sameeyey dhinaca amniga, iyadoo arintaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado Golaha.

Wuxuu yiri wasiir cawad “Qaadista cunaqabateynta Hubka waxay sare u qaadi doontaa dagaalka aan kula jirno maleeshiyaadka xagjirka ah, iyadoo awooda xoojinta dagaalka u suurtagalin karto ciidamada Somalia inay gacan sare yeeshan”.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in la taageero howlgalka midowga Afrika ee ciidamada AMISOM inta ay Soomaaliya kala wareegeyso amaankeeda.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *