Wasiirka Arrimaha Dibada China oo booqasho ku tagay Kabul, Afghanistan

Published: March 24, 2022

Sida ay sheegeen saraakiisha xukuumada Talibanka Afghanistan, Wasiir Wang Yi ayaa maanta oo khamiis ah booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kabul.

Wasiirka Shiinaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Pakistaan halkaasi oo uu uga qeyb galay shirweynaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka (OIC).

Shiinaha oo xiriir toos ah oo diblumaasi la sameystay Talibanka la wareegay awooda dalka Afghanistan ayaa lagu wadaa asbuuca danbe inay marti geliyaan shir loo qabanayo dalalka jaarka la ah Afghanistan, oo looga hadlayo sidii loo gacan qaban lahaa Afghanistan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *