Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya oo gaaray Dooxa

2 days ago

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Hassan al-Shibani ayaa gaaray magaalada Dooxa Axadii si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa xaqiijisay imaanshaha wafdiga Suuriya, oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga dalkaas Murhaf Abu Qasra iyo madaxa sirdoonka Anas Khaddab.

Wafdiga Suuriya ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Sheikh Mohammed, oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda Qatar, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo Qatar ah oo uu ku jiro Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Mohammed Al-Khulaifi.

Booqashada wasiirka Suuriya uu ku tagay Qatar ayaa ah safarkii labaad ee uu dibadda ku aado muddo bil ka yar tan iyo markii madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad ay xukunka ka tuureen xoogaga mucaaradka ah ee hubaysan 8-dii December.

Al-Shibani ayaa la filayaa inuu sidoo kale booqdo Imaaraadka Carabta iyo Urdun toddobaadkan si ay uga codsadaan “taageero kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashiyo kala duwan,” sida uu ku sheegay bartiisa X.

Waxa uu safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ah ku tagay Sucuudiga Arbacadii, halkaas oo saraakiisha Sucuudigu ay ka wada hadleen sida ugu habboon ee loo taageeri karo isbeddelka siyaasadeed ee Suuriya.

Horseed Media