Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya oo shaqada laga joojiyay kadib markii ay la kulantey dhiggeeda Isra’il

Published: August 28, 2023

Raysalwasaare Abdul Hamid Dbeibah ayaa shaqada ka joojisay diblumaasigii ugu sareeyay xukuumadiisa wuxuuna sheegay inay wajihi doonto baaritaan. Arrintan ayaa timid kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in kulan dhexmaray Eli Cohen iyo Najla al-Mangoush todobaadkii hore.

Wasiirka arrimaha dibada Libya Najla al-Mangoush

Ra’iisul wasaaraha Liibiya, Abdul Hamid Dbeibah ayaa Axaddii sheegay inuu shaqada ka joojiyay wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas, uuna u gudbiyay baaritaan, kaddib war kasoo baxay Israa’iil oo lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu kulan kula qaadatay dhiggiisa Libya toddobaadkii hore magaalada Rome.

Liibiya wax xiriir diblumaasiyadeed ah lama lahan Israa’iil, sida dhowr waddan oo Carbeed.

Bayaan ka soo baxay Israel oo lagu shaaciyay kulanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen iskaashiga suurtagalka ah, oo ay ku jiraan gargaarka Israel ee arrimaha bini’aadantinimada, beeraha iyo maamulka biyaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa sidoo kale sheegay in uu ku adkeeyay dhiggiisa Liibiya Najla al-Mangoush muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaxalka Yahuudda ee dalkeeda. Wada-hadalladaas waxaa fududeeyey wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Maxay ahayd falcelinta Liibiya?

Ku dhawaaqista Israa’iil ayaa dhalisay mudaaharaadyo yar yar oo Liibiya ka dhacay.

Xukuumadda Midnimada Qaran ee Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku shaacisay go’aanka “si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay” Wasiirka Arrimaha Dibadda Najla al-Mangoush, iyadoo lga codsadey inay ku wareejiso faylalka wasaaradda arrimaha dibadda wasiirka dhalinyarada.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo dhigtay boggeeda Facebook ku sheegtay in Mangoush uu diiday wax kulan ah oo uu la yeeshay wakiillada Israa’iil, iyadoo la raacayo mowqifka dowladda Midnimada Qaran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Liibiya ayaa arrintan ku tilmaantay “fursad iyo kulan aan rasmi ahayn, wixii ka dhacay Rome wuxuu ahaa shir aan rasmi ahayn oo aan horay loo sii qorsheyn,” ayay wasaaraddu tiri, iyadoo intaas ku dartay in kulankaas uu dhacay intii uu socday wadahadallo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga. kuma jirin wax heshiisyo ah.

Sanadihii la soo dhaafay Israa’iil waxa caadi ka dhigatay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalal badan oo Carbeed sida Imaaraadka Carabta , Baxrayn , Marooko iyo Suudaan.

Hanad Askar
Horseed Media