Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmey dhigiisa Itoobiya

Published: January 29, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Mr Demeke Mekonnen.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo khuseeya xiriirka labada dal xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyadoo la taabagelinaayo isfahamka iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Labada wasiir waxa ay sidooo kale isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *