Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Masar

Published: July 12, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal. 

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga talaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madaxbanaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Horseed Media