Wasiirka Arrimaha Dibeda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse Oo Iska Casilay Xilkiisii

Published: December 18, 2023
Shares72

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, isagoona warqaddiisa iscasilaada ah u gudbiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay sababta uu isaga casilay xilkiisa in ay tahay, si uu waqti iyo madax banaani ugu helo doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland oo uu u sharraxan yahay.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media