Wasiirka Arrimaha Dibedda oo kulan la qaatay Wakiilka UN-ta ee Arrimaha Carruurta

Published: June 7, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway, Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Carruurta goobaha colaaduhu ka jiraan Virginia Gamba,  iyagoo ka wada hadlay xaaladda dhallaanka Soomaaliyeed.

Wasiir Huruuse oo magaalada Oslo ee dalka Norway kaga qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha Carruurta ayaa kulan doceed uu la qaatay Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Carruurta waxay ku faaqideen xaaladda carruurta Soomaaliyeed maaddaama ay ku nool yihiin dal ay ragaadiyeen dagaallo kala duwan.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay arrimo badan oo khuseeya ilaalinta Caruurta Soomaaliyeed gaar ahaan xilliyada ay colaaduhu jiraan, wuxuuna wasiirku la wadaagay Wakiilka gaarka ee xoghayaha QM u qaabbilsan arrimaha Carruurta qorshaha dowladda Soomaaliya ee  ilaalinta xuquuqda Carruurta.