Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Danjire James Swan

Published: July 8, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Sii-hayaha ergeyga Xogheyaha Guud Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan.

Kulanka oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa arrimaha diiradda la saaray waxaa ugu muhiimsanaa; Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo Doorashooyinka.