Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo shir ka furay magaalada Baydhabo -DHEGAYSO

Published: February 19, 2018

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka furay magaalada Baydhabo shir looga hadlaayo xasilinta deeganaada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay ururada bulshada ee rayidka ah, hay\adaha amniga, waxaana fulinaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa muhimaiisu tahay sida lagu hormarin karo barnaamijka lagu xasilinaayo deeganada Koonfur Galbeed, waxaana ka qaybqaadanaya ilaa shan Wasaaradood.

Qaybo badan oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ugu jira ururka al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Giudaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan qorshe maamulku uu gacanta ugu dhigayo dhamaan deegaanada iyo xuduudaha Koonfur galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *