Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool

Published: November 6, 2022

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool. 

Wasiir Axmed Fiqi ayaa u gaaray magaaladaasi si uu goobjoog uga ahaado caleemosaarka guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa inta uu jooga halkaasi waxaa uu u kuurgeli doonaa xaaladaha kala duwan ee kajira sida kuwa banii’aadnimmo, xog wareysiga howlaha xoreynta, baahinta maamulka iyo adeegyada, xasillinta iyo arrimo kale, isaga kulamo la yeelanaya  maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada. 

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed Cabdullahi Xaaji Xasan.

Horseed Media