Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Published: July 25, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka hey’adda UNHCR ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

Kulankan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Safiya Xasan Maxamed ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dadaallada xalka waara loogu helayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Horseed Media