Wasiirka Arrimha gudaha oo Muqdisho ka Furay Shir looga hadlayo Xasilinta Dalka

Published: January 29, 2018

Mudane Cabdi Maxamad Sabriye Wasiirka cCusub ee Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka, kaasoo ay ka qeyb galayaan Beesha Caalamka, Mas`uuliyiin ka socotay dowlad Goboleedyad

Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xasilinta guud ee dalka .

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamad Sabriye ayaa kula dar-daarmay ka qeyb galayaasha kulanka in ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan sida ugu haboon ee dalka lagu xasilin karo iyo muhiimadda ay leedahay.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay uu qabto Wasiirka Arrimaha Gudahatan iyo markii xilkan loo magacaabay 4-tii bishan Janaayo ee sanadkan 2018.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayso xaqiijinta ammaanka deegaanadooda iyo in hal meel looga soo wada jeesto falalka lidka ku ah ammaanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *