Wasiirka beeraha Soomaaliya oo ku tuhmey Itoobiya, biyo la’aanta Webiga Shabelle

Published: February 5, 2017

Muddo 15 bilood gudaheed ah ayaa markii labaad ay yaraadeen biyaha webiga Shabelle ee mara gobolada Hiiraan, Shabeelda Dhexe iyo Shabeelda Hoose.

Webiga ayaa marki hore ay yaraadeen biyihiisu ilaa uu noqdey mid gurey. Biyo yaraanta webiga ayaa ku soo beegmeysa xilli in badan oo Soomaaliya kamid ah ay ka jiraan abaaro daran, sidoo kale laga digey in ay dhacdo macaluul lamid ah tii sanadkii 2011, kadib markii beeraleydu aysan falan beeraha sanadkii la soo dhaafey sababo la xiriira biyo yaraanta webiga Shabelle.

Labada Webi ee mara Koonfurta Soomaaliya Shabeele iyo Jubba ayaa ka soo bilowda dalka aan deriska nahay ee Itoobiya.

Wasiirka Beeraha ee Jamhuriaydda Soomaaliya Axmed Gaboobe ayaa sheega in Itoobiya aysan xaq u lahayn in ay biyaha xirato oo ay jebineyso sharci caalami ah, sidaas darteed ugu baaqey in ay webiga ka daayaan biyo xirka a ku hayaan. Wasiirka ayaa sheegay in aaminsan yahay in biyo yaraanta webiga ama in uu guro uu ku tuhmaayo in laga xiray dhanka Itoobiya.

Sanadkii 2016 ayaa sidaan oo kale biyaha webiga loo waayey, muddo yar kadib waxa uu noqdey mid biyaha soo fatahay iyada oo dadku is weydiiyeen waxa u dhexeeya biyaha oo guray wax yar kadibna webigu soo fatahay.

Itoobiya ayaa muddooyinkii danbe wadey biyo xir aad u weyn oo ay dooneyso in ay ka dhaliso tamarta Korontada waxaana muranka ugu badan ka dhex taagnaa biyaha Niilka oo dalka Masar yahay kan ugu badan ee ka faa’ideysta.

Itoobiya ayaan weli kadlin eedeynta lo jeediyey ee lagu tuhmey in ay biyaha webiga xireen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *