Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hoggaamineyso oo gaaray Garoowe

Published: January 29, 2022

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur iyo Wafdiga ay hogaamineyso oo gaaray Garoowe ayaa halkaasi loogu soo dhaweeyay si diiran.

Wafdiga Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Gobaleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, waxaana ay ka qaybgalayaan Shirwaynihii ugu horeeyay oo lagu soo bandhigi doono Cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsan Caafimaadka Guud.

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa kiisii koobaad oo ka furmaya Magaalada Growe 30 Janaayo waxa uu socon doona Muddo 3 cisho ah laga billaabo 30 Janaayo ilaa 1-da Fabraayo 2022.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *