Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furtay waaxda Qalliinka ee Isbitaal Banaadir

Published: April 19, 2022

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abuukar Nuur, ayaa maanta xariga ka jartay waaxda Qalliinka ee Isbitaal Banaadir oo ay maalgalisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Saallooyinkan oo lagu fulin doono qaliimada ay u baahan yihiin bukaanada soo booqda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir islamarkaana shaqeyn doonta Afar iyo Labaatanka Saac ayaa waxaa dib u habeyn iyo qalabeynba ku sameysay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaana munaasabad kooban oo lagu daahfurayey ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Maamulka Isbitaal Banaadir, dhaqaatiirta Isbitaal Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in dayactirka saaladan ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha baaxada leh ee ay bukaanada u hayaan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fei Shengchao, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerida Isbitaal Banaadir oo la xusuusto inay dhiseen sanadkii 1977.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abuukar Nuur, ayaa safaarada Shiinaha ee Soomaaliya uga mahadcelisay dib u habeynta Saalada Qalliinka ee Isbitaal Banaadir, waxeyna dhinaca kala ku baaqday maamulka Isbitaalka inay il-gaar ah ku hayaan waaxda sucub iyo guud ahaan Isbitaalka oo shaqo hufan u haya dadka bulshada ugu nugul.

Isbitaal Banaadir oo ay Dowladda dib u howlgalisay 6 February 2019 ayaa si maalinle ah u qaabila in ka badan Laba Boqol oo bukaan oo isugu jira Hooyooyinka iyo dhallaanka kuwaas oo si bilaasha loo dabiibo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *