Wasiirka Cadaalada Federaalka Oo Sheegay In La Baarayo Sida Hubku uu Gacanta Ugu Galay Maxaabiista

Published: August 11, 2020

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar

Wuxuu sheegay in la baari doono oo kale sida uu hubku u galay gacanta Maxaabiista, isagoo xusay in sharciga la horkeeni doono cidii fududaysay in hubkaas uu gacanta u galo Maxaabiista

Wasiirku wuxuu sheegay in isbedel ku samayn doonaan xabsiyada dalka, islamarkaana ay soo rogi doonaan habraacyo lagu damaan qaadayo amniga maxaabiista iyo ilaaladooda

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah maxaabiistii ka dhex dagaalamayay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki shalay ka dhacay xabsiga gudahiisa.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/295414401909361/

Taliyaha ciidanka Asluubta ee dowladda federaalka General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo xalay ka hadlay dagaalka ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa sheegay in qaar ka mid ah maxaabiistu ay qori la qabsadeen askari ka tirsan ilaalada xabsiga oo ay xoog kagala wareegeen sidoo kalena ay askari kalena ay dileen kadibna ay dagaal ku qaadeen Ciidamada ilaalinayay xabsiga

Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho. dadka dhintay ayaa isugu jira maxaabiistii dagaalka samaysay iyo askartii ilaalinaysay Xabsiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *