Wasiirka cadaaladda oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

Published: August 1, 2023

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.

Siyaasadan ayaa waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay oo ay saxiixday DFS, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah.