Wasiirka cadaaladda XFS oo la kulmay safiirka Netherlands

Published: January 28, 2022

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr.Garsoorka Soomaaliya iyo Kuxigeenka Safiirka Wadanka Netherlands oo ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta kadhaxeysa Safaaradda iyo Wasaaradda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho rasmi ah ku tegey Xafiiska Safaaradda Netherlands ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka Safiirka Safaarada Ms. Laurie Visser iyo Lataliyaha sare ee sareynta sharciga (rule of law expert) iyo Siyaasadda Ms.Elin Hilwig.

Wasiirka ayaa safiirka kala hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo garab-istaaga bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya. sidoo kale kulan wasiirka waxaa kuwehliyey Lataliyaha sare ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda Mr. Ibraahim Abdullahi Adam.

Ugu dambeyn, iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka-dhexeeya Safaaradda Netherlands iyo Wasaaradda Cadaaladda XFS waxay isku raaceen in Safaaraddu qeyb muhiim ka ah kaqaadato Mashruucyada lagu tayeynayo sare u qaadista adeegyada Cadaaladda ee Dalka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *