Wasiirka Caddalaadda Muxuu ka yiri Maxaabiista muddo 10 sano ah xiran maxkamad la’aan?

Published: August 2, 2023

Wasiirka Dastuurka iyo Caddalaadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maxaabiiska u ballan-qaaday inay heli doonaan caddaalaad.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ka soo abxdey warbixino sheegaysa in ay jiraan maxaabiis badan oo muddo dheer ku xirnaa, kuwaas oo aan caddaaladda la horgeyn oo lagu hayo wax loo yaqaan Rumaan ama ii haya.

Xasan Macallin ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan la xiriira maxaabiis uu taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan uu ku sheegay in muddo 10 sano ah ay xabsiyada ku jiraan maxaabiis aan maxkamadi xukumin.

“Waxaan idinkugu nimid in caddaaladdu shaqeyso oo aad caddaalad heshaan. Waxaan heynaa dambiga aad ku eedeysan tihiin” ayuu Xasan Macallin u sheegay koox maxaabiis ah oo uu la hadlayay, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Wasiirka ayaa qiray inay jiraan maxaabiis dhaafay muddadii sharcigu oggolaa in xabsiga lagu hayo maxkamad la’aan sidoo kale waxa uu diidey hadalkii taliyaha Asluubta ee ahaa inay jiraan maxaabiis 10 sano xiran, iyaga oo aan maxkamadi xukumin.

“Hadalkii taliyaha waxaan u qaadaneynaa qeylo-dhaan. Ma jirto cid dhaaftay 10 sano” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xasan Macallin.

Waxaa booqashadiisa Xabsiga Dhexe ku wehliyay xubno uu ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ka socday garsoorka iyo maxkamadaha.

Horseed Media