Wasiirka Dhalinyarada Puntland Iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Oo Gaaray Qardho

Published: October 11, 2020

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax oo uu wehliyo guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Carab iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wafdigan ayaa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, hogaanka xiriirka kubadda cagta gobolka Karkaar, dhalinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ujeedka safarka masuuliyiintan ayaa ahaa kormeer ay ku samaynayaan halka loo asteeyey in laga dhiso garoonka cusub ee kubada cagta Qardho kaas oo hadda la wado hawlaha u qareemida dhismihiisa.

Dhanka kale wafdigan ayaa galabta ka qaybgali doona ciyaar saaxiibnimo oo Qardho ku dhexmari doona kooxaha Bari iyo Karkaar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *