Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeybgalay shirka wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta

Published: August 29, 2024

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Maxamed Bare Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay meertada 47aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkaan oo ah mid ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha, dhallinyarada iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa lagu daah-furaayay istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee UNSCR2250.

Wasiirka ayaa hadaljeedintiisa kaga warbixiyay sida ay dowladda Soomaaliya mas’uuliyad isaga saartay sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed door muhiim ugu yeelan lahaayeen howlaha nabad-dhiska dalka, isagoo tusaalo usoo qaatay sida ay Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed muhiimad buuxda u siineyso barnaamijkaan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka waramay sida ay Soomaaliya u fulineyso qaraarkaan caalamiga ah maadaama ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS ay bilaawday hannaanka dhaqangelinta qaraarkaan caalamiga ah.

Horseed Media