Wasiirka Duulista Hawadda oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya

Published: April 21, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire ku-xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ms. Fiona Lortan.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho iyo xayndaabkiisa, Waxaan ergayga Midowga Afrika ay sheegtay in si dhow ula shaqaynayaa Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faraax ayaa sheegay in dhankiisa uu soo dhawaynayo wada shaqaynta Saraakisha sare ee ATMIS iyo Midowga Afrika, waxanaa intaas uu ku daray in talooyin wax ku ool u ah Amniga Garoonka iyo Nawaaxigiisa la is dhaafsaday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *