Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo ka qaybgalay 10 Sano guurada Turkish Airlines

Published: March 14, 2022

-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Farah ayaa maanta ka qaybgalay Munaasabad lagu Xusayay 10 Sano Guurada kasoo wareegtay Markii Turkish Airlines ka shaqo bilowday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Duraan Axmed Faarax ayaa uga mahad celiyay Madaxda Turkish Airlines Duulimaadyadeeda Soomaaliya, waxaana intaas uu ku daray in ay duulimaadkaan bilaabeen wakhti baahi wayn loo qabay.

Dhanka Kale Wasiir Duran ayaa sheegay in hawlaha Ganacsiga ee labada dal iyo iskaashigooda uu duulimaadkaan kor u qaadayo.

Madaxa Turkish Airlines ee Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in wixii ka dambeeya 28 March 2022 ay bilaabayaan duulimaad toos ah oo isku xira Muqdusho iyo Istanbul halka awal uu ku hakan jiray Jabuuti.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *