Wasiirka gaadiidka XFS oo la kulmay saraakiil ka timid Pakistaan

Published: March 17, 2022

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidamada cirka Bakistaan oo booqasho ku jooga dalka.

“Waxaa Maanta Xafiiskayga igu soo booqday Gen Ghazi Salahuddin oo ka tirsan Ciidanka Cirka Pakistan waxaana kulankeena goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah” ayuu yiri Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS.

Mas’uuliyiinta ayaa kawadda hadlanay iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan, sidoo kale waxaay kormeer ku tageen xarunta Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya halkaas oo laga Maamulo Hawadda Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *