Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Baydhabo

Published: October 16, 2022

Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray maagaalada Baydhabo.

Wefdigaan ayaa Baydhabo u tagey si loo dar-dargeliyo howlgalada dib u xoraynta dalka gaar ahaan deeganada Koonfur Galbeed ee ay hormuud u yihiin Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ee go’aansaday in Soomaaliya laga ciribtiro kooxda Arxanka daran ee Alshabab.