Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulan la yeeshay Saraakiil ka socata ciidamada cirka Pakistan

Published: March 16, 2022

Wasiirka wasaaradda Gaashaandiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la yeeshay Saraakiil ka tirsan ciidamada cirka dalka Pakistan.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga iyo dib u dhiska ciidanka cirka Soomaaliya. Saraakiishan ayaa u yimid Soomaaliya inay qiimeeyaan baahiyaha ciidanka cirka si ay door lixaad leh ugu qaadato Pakistan dib u dhiska ciidanka cirka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Dowladdaa Pakistan ay ka mid ahayd dalalkii sida weyn uga qayb qaatay dhismaha ciidamada cirka Soomaaliya, iyadoo haatan la filayo inay dib u ssoo celiso doorkii ay ku lahayd tababaridda iyo qalabaynta ciidanka cirka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *