Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho

Published: January 30, 2023
Shares4

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Labada Wasiir Difaac ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya & ciidamada dalkaas ka socda ee ku howlgala Magaca Midowga Afrika ee ATMIS iyaga oo fasax ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Burhaan la wadaagay howlgallada ka socda Gobollada Dalka ee Al-shabaab looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Wafdiga la socday Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ay ka ahaayeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalkaas ayaa la kulmay xubnaha la socday Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Horseed Media