Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Sagootiyay ciidamo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Published: July 9, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Al Shabab.

Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khwaarijta,isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday,inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso, gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dheraaday dhibaatada Al Shabab muddada dheer ay ku heeysay shacabka Soomaaliyed,isago oo sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka khawaarijta arxanka daran.

Horseed Media