Wasiirka Ganacsiga XFS oo La Kulmay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya.

Published: March 12, 2020

Eng Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia Wasaarada iyo Hay’ada UNIDO ayaa leh wada-shaqayn la xiriirta Xagga Ganacsigga iyo Warshadaha.

Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Agaasimaha Guud mudane iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO.

Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *