Wasiirka Howlaha Guud ee XFS “Dhalinyarada shaqo ayaa loo abuurayaa si looga hortago Shaqo la,aanta “

Published: August 15, 2018

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Ibraahim Axmed Geeseey ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii shaqo abuur xoog leh loogu sameyn lahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed si looga guuleysto Kooxaha Argagaxisada oo isku daya inay dhalinyarada khaldaan.

Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS, ayaa shalay daahfurtay Mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan kun qof oo la barayo xirfado ay ka mid yihiin dhismaha iyo kuwa kale oo muhiim ah.

Wasiir Cabdifataax Ibraahim Axmed ayaa sheegay in Mashruucan ay ka faa`iideysan doonaan Dhalinyaro badan iyadoo laga bilaabi doono Magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Muqdisho.

“Waxaan rabnaa in dhalinarada Soomaaaliyeed shaqo abuur xirfadeysan loo sameeyo si looga hortago amni darada iyo shaqo la,aanta taas oo sababi inay cidkasta oo dhibaato wada dhalin ay qayb ka noqdaan hadaanay dalkooda shaqo ku helin, sidoo kale dadka naafada ah waxaan rabnaa inay fursadahan ka faa`iideystaan waxaana laga wada bilaabi doonaa Magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho wajiga koowaad oo 400 noqon doona halka wajiga labaad uu ka koobnaan doono 700″ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada Howlaha Guud ay maamuli doonto maareynta mashruucyada laga hirgeliyo dalka, iyadoo markii hore Hay`addaha UN-ka iyo dalalka deeq bixiyaasha ay horay u maamuli jireen, waana guul usoo hoyatay Dowlada Soomaaliya oo si siman fursadahaasi kaga faa`iideyneysa Shacabkeeda iyo ogaanshaha masaariicda iyo siday u socdaan.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *