Wasiirka maaliyadda oo daah-furay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024

Published: January 16, 2024

Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maasiyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’adaha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Agaasimaha Miisaaniyadda wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadam ( Iraadi) oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Sh Cali Maxamuud ( sh Cali Wajiis ), Prof Ciise Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Cabdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaaniyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%.

Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka maaliyadda ku yimid dib habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay inkastoo dowladdu horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.

Sanadkan Miisaaniyadda dowladda ayaa korortay 13%, Halka daqliguna kordhay sanadkii tagay 25%, waxaana ay ku timid ka go’naanta hoggaanka dowladda ee dib u habeynta Maaliyadda.