Golaha wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa waxaa shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha…
Golaha wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa waxaa shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen.
Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
Wasiirka oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda qorshaynta Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan gobollada Puntland.
Intaa ka dib, xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo dastuurka Puntland qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo xeer-hoosaadka golaha wakiillada qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.
Horseed Media