Wasiir Roobow oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii

Published: July 22, 2023

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow ayaa xalay ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka.

Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed, munaasabada uu ka hadlay wasiirka oo ka dhacday magaalada Makkah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Qunsuliyadda Soomaaliya iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka

Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii gaaraysa 11,500 oo xujay.