Wasiirka shidaalka ee Iran ayaa booqday goobta laga dhoofiyo saliida iyadoo laga cabsi qabo weerarka Israel

Published: October 6, 2024

Wasiirka shidaalka ee Iran ayaa ka degay jasiiradda Kharg, oo ah hoyga ugu weyn ee shidaalka laga dhoofiyo dalkaas, wuxuuna wadahadal la yeeshay taliyaha ciidamada badda Axadii, mareegaha wararka ee wasaaradda shidaalka ee Shana ayaa ku warramay, iyadoo laga walaacsan yahay in Israa’iil ay weerarto xarumaha tamarta.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa Sabtidii sheegay in Israa’iil ay ka aargoosan doonto weerarka gantaallada ee Tehran todobaadkii hore “marka la gaaro waqtiga”.

Shabakadda wararka ee Maraykanka ee Axios ayaa mas’uuliyiinta Israa’iil ka soo xigatay in xarumaha shidaalka ee Iran laga yaabo in la garaaco, halka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in aanu u malaynayn in Israa’iil ay weli soo gabagabaysay sidii ay uga jawaabi lahayd.

Horseed Media