Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in la dilay ragii dilay Mohamed Mohamud Sheekh.

Published: August 5, 2018

Daahir Maxamuud Geele wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraaid ku qabtay muqdisho waxaa uu sheegay in ciidamada amaanka ay maanta toogasho ku dileen rag dablay ah oo uu sheegay in ay baabuurta ka dhex toogtaan dadka aan waxba galabsan, Wasiirku waxa uu sheegay in ay hayaan cadaymo muujinaya in ragaas ay ka danbeeyeen dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiir Daahir Geele waxa uu sheegay in sidoo kale ay ciidamadu hayaan gaarigii ay wataan maleeshiyaadkaas iyo hubkii ay dadka ku dileen, wasiirku ugu danbayn waxa uu ka hadlay muwaadin lagu dilay degmada xamar jajab gaar ahaan xili uu salad ku jiray, waxaa uu falkaas ku eedeeyay ururka Alshabaab isagoo tilmaamey in falkaas uu muujinayo siday diinta ugu beensheegayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *