Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadley xaaladda dagaal ee Tukaraq -DHEGAYSO

Published: January 16, 2018

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariisiinta iyo dhaqanka ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta oo Salaasa ah la hadley saxaafa isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso.

Cabdi Xirsi ayaa ka hadley arrimo ay ka mid yihiin Tukaraq iyo waxa ka soo cusboonaadey, safarkii Madaxweyne Farmaajo, fadeexad ay gashey BBC ee la xiriirta booqashadii Farmaajo ee Boosaaso iyo arrimo kale.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in danta kowaad ee Somaliland ka lahayd duulaanka Tukaraq ay ahayd in ay carqaladeeyaan safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda markii uu booqnaayey Garoowe, laakiin aysan caano ka maali doonin.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay in damaca Somaliland uu yahay mid aan suurtagal ahayn oo laga hortagaayo, wuxuu ku eedeeyey Somaliland in ay qayb weyn ka yihiin carqaladda guud ahaan Soomaaliya waxaana uu tusaale u nsoo qaatey sida ay u taageeraan al-Shabaabka ku jira buuraha sil-silada Golis.

Wasiirka Warfaafinta ayaa u digey kuwa tashuushka ku furaayo isdifaacida Puntland, waxaana uu sheegay in meel looga soo wada jeesto.

Warka Wasiirka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *