Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sucuudiga

31 July, 2024

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho…

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso dhaqaalaha Buluugga ee dalkeenna gaar ahaan Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalkeennu uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soo-saarka gudaha horseedna u noqon kara in dalkeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Horseed Media