Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo sheeagay in doorashada qof & cod lagu raadinayo muddo kororsi

Published: September 29, 2022

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaamaanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Cabdi.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo munaasabadda xil-wareejinta ka hadlay ayaa soo hadal-qaaday sababta xilka looga qaadey.

Xasan Shire Abgaal wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Deni ay isku fahmi waayeen 12 degmo oo dowladda ku adkeysatay in laga qabanayo doorasho qof iyo cod.

Sidoo kale Wasiir hore Abgaal wuxuu xusay inay isku maandhaafeen Madaxweynaha tartankii Madax-tinimada dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay salluug ka qabeen dadka Reer Puntland.

“Deni kuma raacsanayn in uu Xamar iska sharraxo, haddana wuxuu rabaa in uu saddex gobol oo keliya ka qabto doorasho oo Sool iyo Sanaag la tuuro, mana la qaadan karo”. ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ugu baaqay inay ka badbaadiyaan oo ay ka duwaan wado khaldan oo uu ku wado Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media