Wasiiro Dalxiis Loo Geeyay Goobweyn

Published: December 22, 2019

Kadib markii ay magaaladda Kismaayo lagu soo gabagabeeyay shirkii wasiiradda heer federaal iyo heer Maamul goboleed ee looga hadlayay qodobada maaliyada ee lagu darayo dastuurka ayaa maanta waxaa wasiiradaas dalxiis loo geeyay degaanka Goobweyn

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Dowladda federaalka Cabdiraxmaan Ducalle Bayle iyo wasiiradda maaliyada Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ayaa galabta dalxiis iyo nasasho u tegay deeganka dalxiiska ee Goobweyn oo ah halka uu webiga Jubba uu biyaha kaga daro badda.

Wasiirada maaliyada ayaa ku heshiiyay in afar qodob oo shuruucda maaliyada ah lagu daro cutubta maaliyad ee dastuurka federaalka ee haatan gacanta lagu hayo, waxay kaloo ku heshiiyeen in la sii hormariyo shuruucda maaliyadda ee federaalka.

Goobta dalxiisa ee Goobweyn oo ah meel amaankeeda aad loo sugay waxaa inta badan la geeya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo maamul goobleedyada ee booqda magaaladda Kismaayo, waxaa halkaas tega inta badan dadka yimaada jubbaland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *