Wasiiro katirsan Puntland oo kormeeray Saldhig Booliis oo laga hirgalinayo Bosaaso

Published: December 16, 2021

Masuuliyiin u hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda amniga Dawladda Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa koormeeray qaar ka mida saldhigyada Booliska ee magaalada Boosaaso.

Masuuliyiinta ayaa si gaar ah u kormeeray Saldhig weyn oo laga hirgalinayo xaafadda Baaladde kaasoo haatan dhismihiisu socdo.

Waxaa sidoo kale ay kormeer ku tageen Saldhigga Booliiska Minjir oo ku yaala xaafadda Biyo kulule halkaas oo ay indha indheeyeen xaaladaha maxaabista kuxiran iyo sida uu u shaqeeyo saldhigga.

Wefdiga Wasiirka amniga ee kormeerka sameeyay waxaa qeyb ka ahaa wasiirka tamarta macdanta iyo biyaha Puntland Axmed Yuusuf taaraan Wasiir ku xigeenka qorsheynta ahna duqa degmada Boosaaso Cabdiqani Ismaciiil Deero-dile iyoTaliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Gsare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *